Golaha guud ee qaramada midoobay oo isbeddel ku sameynaya adeegsiga awoodda qayaxan

0
219

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Golaha guud ee jimciyadda qurumaha ka dhexeysa oo ka kooban 193 xubnood ayaa lagu wadaa inuu cod u qaado isbeddel la doonayo in lagu sameeyo qaabka loo adeegsado awoodda qayaxan ee loo yaqaano Veto Power.

Qaraar la hor geeyay golaha ayaa dhigaya in 5 xubnood oo si joogta ah uga tirsan golaha UNGA looga baahan yahay inay caddeeyaan sababta ay awood qayaxan ugu diidi karaan arrin laga doodayo.

Xubnahan ayaa kala ah Maraykanka , Shiinaha , Ruushka , Faransiiska iyo Ingiriiska.
Arrintan oo aan inta badan laga hadlin ayaa waxaa soo cusbooneysiiyay duullaanka militari ee ay xukuumadda Moscow ku qaadday Ukraine iyo tallaabada ku habboon in laga qaado.