Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasaaradda waxbarashada ee dalka ayaa billowday inay diiwaangeliso ardayda inta u dhexeysa bilaha 11-aad iyo 12-aad ee sanadkan u fadhiisan doono imtixaannada shahaaddiga ah.
Wasiirka wasaaradda tacliinta Prof.George Magoha ayaa laga soo xigtay in diiwaangelinta billaabanaysa maanta ay socon doonto ilaa 14-ka bisha Shanaad ee May.
Magoha ayaa xusay in maamulayaasha dugsiyada kala duwan laga doonayo inay diiwaangelinta ardayda u sameyaan qaab online ah.
Waxaa uu maamulayaasha ku boorriyay in marka ay ardayda diiwaangelinayaan ay xaqiijiyaan macluumaadka la gudbinaya si gaar ah kuwa qabo baahiyaha gaarka ah.
Agaasimayaasha wasaaradda waxbarashada ee deegaannada ayuu wasiir Magoha ka dalbaday inay hubiyaan in xogta lagu diiwaangelinaya ardayda ay tahay tan ku xusan shahaadada dhalashada.