UCL: Manchester City oo garoonkeeda Etihad guul dirqi ah kaga gaartay kooxda Real Madrid

0
216

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Manchester City ayaa guul kaga gaartay garoonkeeda Etihad kooxda Real Madrid, kaddib markii ay kaga adkaatay 4-3, ciyaar aad u xiiso badneyd oo qeyb ka ahayd kulammada lugta koowaad wareegga afar-dhammaadka tartanka Champions League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 2-1 ay ku hoggaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Manchester City.

Daqiiqadii 2-aad ee bilowgii dheesha Manchester City ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay Kevin De Bruyne kaddib markii uu ka caawiyay Riyad Mahrez.

11 daqiiqo marka ay dheesha mareysay kooxda Manchester City ayaa dhalisay goolkeeda labaad ee ciyaarta waxaana 2-0 ka dhigay Gabriel Jesus oo caawin ka helay saaxiibkiis Kevin De Bruyne.

Daqiiqadii 33-aad Real Madrid ayaa dhalisay gool kaddib markii uu 2-1 ka dhigay ciyaarta Karim Benzema, waxaana ka caawiyay saaxiibkiis Ferland Mendy.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

53 daqiiqo marka ay dheesha mareysay Manchester City ayaa dheereysatay hoggaanka ciyaarta kaddib markii uu 3-1 ka dhigay Phil Foden waxaana ka caawiyay Fernandinho.

Laakiin daqiiqadii 55-aad Real Madrid ayaa soo celisay gool waxaana 3-2 ka dhigay ciyaarta Vinícius Júnior oo ay caawin kaga timid saaxiibkiis Ferland Mendy.

74 daqiiqo Manchester City ayaa markale sii dheereysatay hoggaaminta dheesha waxaana gool qurux badan ugu shubay Real Madrid Bernardo Silva oo ay caawin kaga timid Zinchenko.

Daqiiqadii 82-aa Real Madrid ayaa loo dhigay rigoore waxaana gool u badelay Karim Benzema, ciyaarta ayaa waxay sidaas ku noqotay 4-3.

Ugu dambeyntii lugta koowaad wareegga afar-dhammaadka tartanka Champions League ayaa wuxuu ku soo dhammaaday 4-3 ay kaga adkaatay Manchester City, kooxda Real Madrid oo martid ugu ahayd garoonka Etihad.