Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Iyadoo ay Maalmo kooban un ka harsantahay munaasabada ciidul fidriga ayaa waxaa haatan u diyar garowga ciida si wayn loga daremayaa suuqyada magaalada afmadow ee gobolka jubada hoose.
Gobaha ugu caansan suuqyada dharka lagu iibiyo ee dagmada afmadow waxaa ka jiro mashqul aad u xoogan xilli bisha ramadaan ay sii marayso gabagabada tobbanka dambe. waxaa lagu arkayaa dad wayne badan oo suqa u soo tukaamaysi tagay kuwasi oo qaarkood carurtoda wata si ay ugu iibiyaan dharka ciida iyo agabyada ay carurta ku ciyaraan bulshada qayabaheda kala duwan ayaa isu diyaarinaya sidii ay ugu dabaal dagi lahaayeen munasabada ciida oo ah malin wayn si gaarana uga suntan umada musliminta Malamaha kale ee caadiga waa malin farxadeda oo ay dadkoo dhami ay farxad kuwada riyaqayaan .
Qaar kamid ah ganacsatada wax ku iibiya suqyada magalada afmadow oo warbaahinta la hadlay ayaa ka warbixiyay sida ay ugu diyaarsanyihin so dhaweenta munaasabada ciida ee inagu soo foodleh.
Sido kale qaar kamid ah dhalinyarada u soo tukaamaysi tagay suqa ayaa ka warbixiyay Darenkoda ku aadan munsabada ciida iyo u diyaar garowgeeda.
Fardowsa Axmed Cabdi. ayaa ka warramaysa