Maamulka Iskuulka Al Ceyn ee Magaalada Baydhabo oo kawarbixiyay sida ay ugu diyaar garobeen imtixaanaadka Shahaadiga ah ee Dalka.

0
194

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Iskuulka al ceyn oo kamid ah iskuulaadka magaalada baydhabo ayaa waxaa la aasaasay 2015-kii waxaana ka qalin jabiyay dufcadii afraad iyado uu kamid noqday 30-ka iskuul ee uga sareeya qaranka waxuuna ka galay kaalinta 28aad.

676 arday ayaa dhigataa dugsiga hoose dhexe iyo sare ee al ceyn sannadkan 62 arday ayaa ka qalin badalan doonta kuwaasoo la galiyay dadaalkii ugu danbeeyay ee ay ugu diyaar garoobayaan imtaxaanaadka shahaadiga ah ee ay qaadeyso wasaaarada waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare ee somaaliya.

Ustaad cumar xassan aden oo ah maamulaha iskuulka al ceyn ayaa sharraxaad ka bixiyay ujeedada aasaaska iskuulka al ceyn.

Qaar kamid ah ardayda iskuulka al ceyn ayaa sheegay in waxbarashadooda meel wanaagsan ay mareyso sannadkana ayna rajeynayaan inay guul ku hogaamiyaan imtaxaanaadka dugsiga sare ee ay qaadayso wasaaarada waxbarashada somaaliya.

Maxamed Cali Samow. ayaa warbixintan ku eegaya