Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa dhagax dhigay dhismaha garoonka diyaaradaha Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo oo si casri ah loo dhisi doono.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in ay diyaar yihiin dhismaha golaha deegaanka Degmooyinka gobolka Gedo isla markana lagu bilaabi doono Degmada ceelwaaq iyadoo ay daba socdaan mashaariicda iyo hormarinta adeegyada bulshada ee guud ahaan Gobolka.