Real Madrid oo guul ka soo heshay kooxda Osasuna oo ay ku booqatay garoonka El Sadar

0
225

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Real Madrid ayaa guul ka soo heshay kooxda Osasuna oo ay ku booqatay garoonka El Sadar, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 1-3, ciyaar ka tirsaneyd kulammada horyaalka Spain.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-2 ay ku hoggaamineysay kooxda martida ahayd ee Real Madrid.

Daqiiqadii 12-aad Real Madrid ayaa hoggaanka u qabatay dheesha waxaana 0-1 ka dhigay daafacooda David Alaba.

Laakiin isla daqiiqadii 13-aad kooxda Osasuna ayaa dhalisay goolka barbardhaca kaddib markii uu 1-1 ka dhigay laacibkooda Ante Budimir, waxaana ka caawiyay Ezequiel Ávila.

45 daqiiqo marka ay ciyaarta ahayd Real Madrid markale la wareegtay hoggaaminta ciyaarta waxaana 1-2 ka dhigay Marco Asensio.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 90 + 6-aad L. Vazquez oo ay caawin kaga timid saaxiibkiis V. Junior ayaa wuxuu hoggaanka ciyaarta u dheereeyay kooxdiisa Real Madrid, isaga oo dheesha ka dhigay 1-3.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 1-3 ay kaga soo adkaatay Real Madrid kooxda Osasuna oo ay booqatay Los Blancos ayaa kaddib guushaan waxay ku hoggaamineysaa kala sareynta horyaalka Spain 78 dhibcood.