Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Kaam daryeel waxa uu kamid yahay kaamamka ku yaala magaalada dhoobley ee gobalka jubada hoose kaamkan ayaa dhawaan dibu dajin loogu sameeyay dadka ka soo barakacay abaarta ku habsatay dalka.
kaamkan ayaa waxaa ku nool dad dan yar ah oo ay ka dhamaadeen xoolihii ay dhaqanayeen iyagoona soo miciin biday deeganka dhoobley oo ay horay u sii joogeen baracayaal kale. Kaam daryeel ayaa waxaa ka jira xaalada bini’aadanimo oo isbiirsaday sida hoy la’aan musqulo la,aan, Xarrumo caafimaad oo aan kajirin iyo arima kale.
Hadaba qaar kamid dadka dagan kaamkan daryeel ayaa warbaahinta sanguuni uga warbixiyay baahiyaha ka jira kaama iyagoo islamarkaasi ka codsaday maamulka iyo hayadaha samafalka in loo dhiso musqulo madaama kaamka ay ku noolyihiin dad danyar ah oo aan awoodin helidda waxyaabaha aasaasiga u ah nolosha.
Dhanka kale Gudomiyaha Kaamka Daryeel Iidle Aadan Xasan ayaa kawarbixiyay xaalada kaamka oo ay ugu horeyso musqulo la’aan wuxuuna hay’adaha samafalka iyo maamulka Deegaanka ka codsaday in dadka ku nool kaamka loo dhiso maadama halkaasi ay ka dhalan karto caafimaad darro.
Maxamed Cali Samow. ayaa warbixintan inooga diyaariyay