Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Liverpool ayaa jaratay tikitkeeda finalka tartanka FA Cup kaddib markii ay kaga ciribtirtay kooxda Manchester City 2-3, kulan xiiso badan ay ku wada ciyaareen garoonka Wembley.
Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 0-2 ay ku hoggaamineysay kooxda Liverpool.
Daqiiqadii 9-aad kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa hoggaanka u qabatay dheesha kaddib markii uu 0-1 ka dhigay daafacooda Ibrahima Konaté waxaana ka caawiyay Andrew Robertson.
17 daqiiqo marka ay ciyaarta ahayd Liverpool ayaa dhalisay goolkeeda labaad ee dheesha kaddib markii uu 0-2 ka dhigay Sadio Mané.
Daqiiqadii 45-aad Sadio Mané oo ay caawin kaga timid saaxiibkiis Thiago Alcântara ayaa wuxuu ciyaarta ka dhigay 0-3 ay ku hoggaamineysay kooxda Liverpool.
Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.
47 daqiiqo marka ay ciyaarta mareysay kooxda Manchester City ayaa dhalisay gool waxaana 1-3 ka dhigay Jack Grealish waxaana ka caawiyay saaxiibkiis Gabriel Jesus.
Daqiiqadii 90 + 1-aad kooxda Manchester City ayaa dhalisay goolkeeda labaad ee ciyaarta waxaana 2-3 ka dhigay Bernardo Silva.
Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 2-3 ay kaga adkaatay Liverpool, kooxda Manchester City, kaddib kulan xiiso badan ay ku wada ciyaareen garoonka Wembley, Reds ayaa waxay sidaas ku gaartay finalka tartanka FA Cup.