Deeq raashin ah oo loo qeybiyay qoysas danyar ah oo ku nool degmada Xarfo ee gobolka Mudug.

0
139

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-In ka badan 300 oo qoys oo danyar ah oo ku nool Degmada Xarfo ee Gobolka Mudug ayaa loo qeybiyay deeq raashin ah oo iskugu jirta bur, bariis, sokor, iyo Baasto taasoo ka timid Dowladda Sacuudiga.

Maxamuud Cumar Geedi oo ka socday ha’ada tadaamun oo wakiil ka ahayd Dowladda Sacuudiga ayaa sharaxay Deeqda Raashiinka ee ay u qeybiyeen qoysaskan danyarta ah Gudoomiyaha Degmada Xarfo Cabdiqadir Cumar Jeylaani iyo Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Mudug Xasan Wardheere ayaa si wada jir ah u bogaadiyay Deeqdan Raashiinka ee loo qeybiyay qoysaskan danyarta ah.

Dhanka kale qaar kamid ah dadka ka faa’iideystay Deeqdan Raashiinka ayaa ka mahad celiyay.

Maxamed Cali Samow.ayaa kawarmaya