Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Bangiga Premier ayaa maanta daahfuray tartanka hal-abuurka ganacsiga oo uu markii ugu horreysay maanta Muqdisho ugu qabanayo ardayda dhigata Jaamacadaha dalka ee leh hibada iyo halabuurka ganacsi.
Madaxa Ganacsiga Premier Bank Cabdishakuur Afrax oo munasabada ka hadlay ayaa sheegay inay tartanka soo codsadeen illaa 31 hal-abuure oo uu bangigu u saaray guddi ku sameeyay qiimeyn hordhac ah. Waxaana qiimeyntii guddiga ka soo gudbay 12 hal-abuure oo ka kala yimid 10 Jaamacadood, kuwaas oo maanta tartankaan loo daahfuray.
Madaxa xiriirka dadweynaha ee Bangiga Axmed-Nuur Maxamed ayaa sheegay in tartamaha gala kaalintaa koowaad uu bangigu ku abaalmarin doono $9,000 oo uu hal-abuurkiisa ganacsi ku maalgashado. Guuleystaha gala kaalinta labaad, ayaa ku guuleysan doono $7,000. Halka tartamaha gala kaalinta seddaxaadna uu heli doono $5,000.
Waxaa xusid mudan in bangigu tartankaan oo kale si joogto ah uu sanadkii shanaad ugu qabanayo magaalada Hargeysa. Sanadkana markii ugu horreysay lagu qabanayo muqdisho, si joogta ah loo qabanayo.
Madaxa xiriirka dadweynaha ayaa ardayda jaamacadaha ee aan fursadda u helin sanadkaan inay ka qeybgalaan tartanka ku dhiiragaliyay inay u sii diyaargaroobaan sanadaha soo socdo. Waxaana uu ballanqaaday in bangigu fikirkiisa u maalgelin doono ardagii ku guuleysta.