Erik ten Hag oo diiday in Ronaldo uu sii joogo Manchester United

0
383

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wargeyska “Daily Star” ee dalka Ingiriiska ayaa sheegay in xiddiga reer Portugal iyo kooxda Manchester United ee Cristiano Ronaldo uusan qeyb ka ahayn qorshaha Erik ten Hag, oo ah tababaraha xiga ee Red Devils.

Wargayska ayaa xaqiijiyay in Erik ten Hag uu noqon doono tababaraha xiga ee Man United isaga oo badali doona Ralf Rangnick kaas oo si ku meel gaadh ah u noqday tababaraha kooxda kaddib markii laga caydhiyay shaqada kooxda Man United macalinkii hore Ole Gunnar Solskjaer.

Wargeyska ayaa tilmaamay in Erik ten Hag uu doonayo inuu u dhaqaaqo jiho cusub oo ka fog Cristiano Ronaldo iyo qaar ka mid ah ciyaartoyda uu go’aansaday inuu sidoo kale ka takhaluso.

Wargayska ayaa wuxuu intaas ku daray in Erik ten Hag uu diiday in uu kooxda uu sii joogo Cristiano Ronaldo maadama uu tababaraha reer Holland doonayo inuu koontaroolo qolka labiska.

Wararka ayaa waxay sidoo kale tilmaamayaan in Cristiano Ronaldo laftiisu uu daaha ka qaaday in uu isaga tagi doono Man United hadii uu ku guul daraysto inay u soo boxdo Champions League, maadama ay kooxda hadda kaga jirto kaalinta 7-aad dhanka kala sarreynta horyaalka Ingiriiska.

Waxaa xusid mudan in Cristiano Ronaldo oo 37 jir ah uu xilli ciyaareedkan u saftay Manchester United 34 kulan, wuxuuna u dhaliyay 18 gool 3 kalena wuxuu ka caawiyay saaxiibadiis.