Madaxweynaha Dowlada Jubaland oo ka qeybgalay munaasabad lagu soo gaba gabaynayay tartanka quraanka kariimka ee bisha barakaysan ee Ramadaan

0
184

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa
maanta ka qeybgalay munaasabad lagu soo gaba gabaynayay tartanka quraanka
kariimka ee bisha barakaysan ee Ramadaan oo ay qabatay Mu’asasada ummah
isla markana ay taaba galisay Wasaarada Cadaalada iyo arimaha diinta Jubaland
Madaxweynaha ayaa abaal Marino qaali ah gudoonsiyay ardaydii kaalmaha hore
ka galay tartankan oo sanadkii shanaad la qabanayo.
Waxaa Madaxweynahu uu u mahad celiyay dhamaan intii ka qeyb qaadatay
howshan baaxada leh si gaar ahna Madaxweynahu wuxuu u amaanay waalidiinta
iyo macalimiinta wax soo baray ardaydan.