Barakacyaasha ku nool kaamka daryeel ee Deegaanka dhoobley oo dalbaday gurmad xili ay foodda nagu soo hayso bisha ramadaan.

0
345

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-In ka badan boqolal qoys oo ku nool kaamka daryeel ee ku yaala magalada dhoobley ayaa waxa soo wajahay xaalada kala gadisan kuwaaso oo qeyb ka yiihin dhinaca caafimaadka, musqul lan’an, raashiin la’aan iyo waliba hoy la’aan.

Dadkaasi barkacayaasha ah ayaa waxa ay baaq u dirsadeen maamulka magalada, hay’adaha samafalka iyo sidokale umada musliminta in ay lasoo gaaraan gurmadyo kala gadisan maadama aysan wax haysanin islamarkana bisha ramadanka ay fooda nagusoo hayso oo aysan awoodin inay soo iibsadaan wixi ay kusoomi lahayeen.

Qaar kamid ah Dadka barakacayaasha ee Ku nool kaamka daryeel oo cod baahiyaha sanguuni la hadlay ayaa cabasho ka mujiyay Xaladahooda nololeed Iyagoo isla markaana sheegay in ay haysanin Wixi ay bisha ramadaan Kaga bixi lahaayeen.

Naxwo Axmed Kadiye. ayaa ka warramaysa