Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Lacagta Shilinka Soomaaliga waa mid kamid ah astaamaha qaran ee dalkeeno leeyaha dhawr marxaladood oo uu soomaray shilinka soomaaliga haatan waxa uu marayaa meeshii ugu liidatay
Tiknoloojiyadda casriga ah iyo isticmaalka lacagaha doolarka adeegsiga lacagaha fudud ee lagu shubto taafoonada ganacta ayaa ah waxa saamaynta wayn ku reebay lacagta shilinka soomaaliga
Dadka qaar kood ma isticmaalan lacagta shilinka soomaaliga ayaga oo qaba isticmaalka lacagaha doolarka iyo kuwa kale ee talafoonada gacanta lagu qaato ayaa dhamaantood saamayn badan ku yeeshay lacagta rasmiga ee dalkeeno leeyahay maxamuud axmed xasan waa sarifle ku nool magalada dhoobley waxa uu cawaaqib xumo ku tilmaamay in laga gaabiyay tayanta kunka shilin soomaaliga adeegsigiisa.
Dhanka kale iayagana waxaan dhankooda kawaraysanay qaar kamid dhalinyarada deegaanka kuwaas oo inoo sheegay in qiimaha Shilinka soomaaliga uu haatan ku jiro halis aad u darn taas oo ugu danbayn kalifi karta in gabi ahaanba lawaayo lacagtii dalka loona baahanyahay in badbaadiyo lacagta shilinka soomaliga ee sii dabar go,aysa.
Qofkasta waxaa qiimo ugu fadhiya lacgta dalkiisa hadii aynaan u hiilin kunka shilin waxaa hubaal ah in gabi ahaanba lawayn doono lacagtii ayno lahayn boqol shilin shanbaqol iyo kuwa kale ayaa horay u dabar go,ay balse kunka shilin waa kan kaliya ee inoo hadhay waana masuuliyad ina saaran in aan ilaalino qiimihiisa.
Khadar Axmed Salaan. ayaa ka warramaya