Dhalinyaro ku nool Dhoobley oo shaqo abuur ka heley soo aruurinta caagadaha la tuuray ee horey loo isticmaalay.

0
351

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Deegaanka Dhoobley ee Gobolka jubbada Hoose ayaa ah Deegaan ku wanagasan dhanka ganacsiga iyadoo sababtuna ay tahay halka uu ku yaalo oo ah meel ay maraan kumanaan Shacab oo isagakala gudba dalkeena iyo dalalka kale.

Deegaanka ayaa mudooyiinki dambe ku talaabsanyay  Hormarro kala duwan iyadoo dadka Deegaanku ku dhiranayaan in magaalada ku soo kordhiyaan fikir iyo hal abuur ganacsi oo cusub.Ganacsiga ayaa ah mid u yaalo tartan ama loolan aad u badan oo dadka baayacmushtariga ah  kaga yimaado dhinacyo farabadan si weyna u saameynaya hanka iyo himilooyinka ay ku taamayaan in ay fuliyaan.

Hadaba waxaa jira ganacsato farabadan oo hadafyadooda u mara in ay ku fuliyaan si ay ku dheehan tahay wadajir, iskaashi iyo isfahan.Waxaan waraysanay mid kamid ah dhalinyarada degaanka oo shaqo abuur ka heley soo aruurinta caagadaha la tuuray ee horey loo isticmaalay.

Ugu danbayn Waxaan booqanay Xaruunta lagu keydiyo  caagadaha saliida ka dhamaadeen ee faaruqa ah ee la tuuray si markale looga sameeyo agabyo kala duwan. Mulkiilaha xarunta oo aan wareysi la yeelanay ayaa ka warbixiyay hadafka uu ka leeyahay shaqadaasi isagoo islamarkaana sheegay in dhalinyarada degaanka ay fursad shaqo u noqotay.

Fardowsa Axmed Cabdi. ayaa ka warramaysa