Deeq raashin ah oo la gaarsiyay dad barakacayaal oo ku dhaqan galbeedka magalada kismaayo.

0
360

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Wasiirka Wasaarada Gargaarka iyo maaraynta masiibooyinka jubbaland ayaa deeq raashiin oo gargaar ah oo ay boqortoyada sucuudiga bixisay gaarsiiyay 1500 qoys oo kamid ah dadku ay abaaruhu saameeyeen ee ku dhaqan deegaanada jubbaland qeybtii labaad ee deeqdan ayaa loo qeybiyay 1500 oo qoys oo ah dadka danyarta ah ee dagan deeganada xeebta ku teedsan

Munaasabadan ayaa waxaa ka soo qeyb galay wasiirka Wasaarada Gargaarka iyo maaraynta masiibooyinka jubaland iyo gudoomiyaha maamulka dagmada kismayo, deeqdan ayaa imaanaysa xilli ay abaaro aad u daran ay ka jiraan deegaanada jubaland.

Maxamed amiin oo ka socday hay’adda tadaaman ayaa ugu horeyn ka warbixiyay deeqdan dadkan la gaarsiyay.Gudoomiyaha degmada Kismaayo mudane cumar cabdulahi maxamed farawayne ayaa sheegay inay si fiican uga hirgashay bixinta deeqdan oo ay Wasaarada kala shaqeesay bixinteeda.

Wasiirka Wasaarada Gargaarka iyo maaraynta masiibooyinka jubaland Mudane cabdrahman cabdi axmad ayaa isna u mahad celiyay xarunta boqor salmaan oo kaashanaysa hay’adda tadaamun waxuuna ka codsaday in loo soo kordhiyo deeqda dadkan ay abaartu sameesay.

Maxamed Cali Samow. ayaa warbixintan ku eegaya