Bulshada Deegaanka Dhoobley oo ka aragti dhiibtay qiimo kororka ku yimid shidaalka

0
412

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Magaalada dhoobley ee gobolka jubada hoose ayaa waxaa maalmihii u danbeeyay laga dareemayay sare u kac balaadhan oo ku yimid qiimaha la iibiyo Shidaalka iyadoo uu Saameyn Ku yeeshay Gaadiidleyda iyo sidookale bulshada deegaanka ee isticmaasha gaadiidka.

Isbadalka ku yimid qiimaha La iibiyo  Shidaalka suuqyada magaalada dhobley ayaa saameyn weyn ku yeeshay Bulshada degaanka iyagoo cabasho ka mujiyay Sare ukaca ballaran ee ku yimid Shidalka.

Hadaba waxaan waraysi la yeelanay Qaar kamid ah bulshada degaanka iyagoo aragtidooda ka dhibtay Samaynta uu ku reebay sare ukaca ballaran ee kuyimid shidalka.

Waxaan isna dhankisa waraysi la yeelanay mid kamid ah ganacsata degaanka isagoo sheegay In uu kor uga kacay meelihii u uga imaan jiray shidalka taasi oo kentay in iyagana qiimaha kordhiyaan

Fardowsa Axmed Cabdi. ayaa warbixintan ku eegeysa