Maalinta Qaaxada adduunka oo maanta laga xusayo caalamka oo dhan

0
209

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Sannad kasta, waxaa laxusnaa maalinta Qaaxada Adduunka ee 24-ka Maarso si kor loogu qaado wacyiga bulshada ee ku saabsan dhibaatooyinka caafimaad, bulsho iyo dhaqaale ee TB-da, iyo in la kordhiyo dadaallada lagu soo afjarayo faafitaanka cudurka Qaaxada ee adduunka.

Mawduuca Maalinta Qaaxada Adduunka 2022 – ayaa ah waa muhiim Maalgelinta si loo joojiyo Qaaxada. Badbaadinta Nolosha.’ – waxa ay soo bandhigtaa baahida degdegga ah ee loo qabo in la maalgeliyo agabka si kor loogu qaado dagaalka lagula jiro Qaaxada oo loo gaaro ballanqaadyada lagu joojinayo Qaaxada ee ay sameeyaan hoggaamiyeyaasha caalamka.

Tani waxay si gaar ah muhiim u tahay marka la eego macnaha guud ee masiibada COVID-19 ee hakadka gelisay horumarka TB-da oo ah cudur dadka khatar badan haya.

Maalinta Qaaxada Adduunka waxa ay Hay’adda Caafimaadka Adduunka u samaysay in lagu faafiyo aqoonta iyo wacyigelinta Qaaxada oo ah cudur la kala qaado oo sannad kasta u dhinta malaayiin qof.

Ugu horreyen Qaar kamid ah dadweynaha ku nool deeganka dhoobley ee gobolka jubbada hose ayaan kawareysanay sida ay u arkaan dadka qabo cudurkan

Mid kamid ah hay’addaha kashaqeeya caafimaadka ee ka howlgala deegaanka ayaan kawareysanay sida ay waxa ugu qabtaan buukanada la iil daran cudurka Qaaxaada.

Naxwo Axmed Kadiye. ayaa ka warramaysa