Maxay xalay Real Madrid iyo Barcelona ugu ciyaari waayeen lebiskooda lagu yaqaanay ee ‘maaliyadda guriga’ kulankii El Clasico?

0
283

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kulanka weyn ee El Clasico oo xalay dhex maray kooxaha kubadda cagta Real Madrid iyo  Barcelona ayaa si aad ah loo sugayay iyadoo laga war helay natiijo aysan dad badani filaneyn, balse la yaabkii xalay kaliya kuma aysan ekeyn natiijada ee waxaa sidoo kale la arkay labada naadi oo ku ciyaarayay maaliyado aanan looga baran inay kulankan ku ciyaaraan iyagoo meel iska dhigay lebiskoodii lagu yaqaanay inay kulankan ku ciyaaraan.

Why did both Real Madrid and Barcelona wear away kits in the El Clasico

Kulanka El Clasico ayaa la ciyaaray 249 kulan iyadoo Los Blancos ay ku horreyso guulaha fool-ka-foolka ah iyadoo adkaatay 100 kulan halka ay Barca heysato 97 kulan, waxayna gar isku mid ah ku heshiiyeen labada naadi 52 ciyaar, balse waxaa kulankan lagu bartay Barcelona oo ku ciyaareysa lebiskeedii buluugga iyo guduudka ahaa iyo Real Madrid oo ku ciyaareysa lebis wada cad.

Hase ahaatee, dhaqankaas soo jireenka ahaa ayaa xalay laga tallaabay iyadoo Madrid ay xirnayd lebis wada madow ah halka Blaugrana ay kusoo lebisatay maaliyadda loo yaqaano ‘Senyera’ ee ka tarjumeysa astaanta gobolka Catalonia.

Haddaba aan qeexno sababta labada naadi ay ugu ciyaareen maaliyadahooda kulammada bannaanka ciyaartii El Clasico.

Kooxda Macallin Carlo Ancelotti ayaa lebiska wada madow u xiratay inay ugu dabaal-degto sanad guuradeeda 120-aad ee aas-aaska kooxdan, waxaana u naqshadeeyay Yohji Yamamoto kaasoo Real Madrid u sameeyay maaliyadda kulammada bannaanka ee xilli ciyaareedii 2014/15 markaas oo uu ugu dabaal-dagayay la shaqeynta shirkadda lebiska sameysa ee Adidas, naqshadeeyaha reer Japan ayaana siddeed sano kaddib u sameeyay xiddigaha kooxdan si ay ugu dabaal-degaan sanad-guurada kooxdooda.

Dhinaca kale, Barcelona ayaa go’aansatay inay xirato lebiska jaallaha ee leh diillimaha gaduudka, sida laga soo xigtay suxufiga lagu kalsoon yahay ee Gerard Romero, waxaa arrintani u wacnayd kaddib markii madaxweynaha kooxda ee Joan Laporta uu codsaday inay kooxdiisa ku ciyaarto lebiskan kulanka El Clasico.

Inkastoo aysan jirin oraah rasmi ah oo ku la xiriirta lebiskan, haddana waxaa la fahansan yahay inay Barca dooneysay inay garoonka ku midabbeyso calanka gobolka Catalonia.