Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Jubbaland oo xariga ka jaray dugsiyo waxbarasho oo laga hirgeliyey Dhoobley.

0
225

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Wasiirka waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare ee dowlad goboledka jubbaland mudane Cabdinasir seeraar ayaa soo gaarey magaalada dhoobley ee gobolka jubbada hoose.wasiirka iyo wafdiga uu hogaminayo ayaa waxa soodhoweeyay maamulka magaalada dhoobley iyo qeybo kamid ah bulshada deegaanka.

Wasiirka waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare ee dowlad goboledka jubbaland mudane Abdinasir Seerar oo howlo shaqo u yimid dhoobley ayaa xariga ka jaray iskuul cusub oo laga dhisay magaalada dhoobley gaar ahaan xaafada waabari.

Iskuulkan ayaa waxaa dhismahiisa maalgalisey hay’adda Adra oo kaashaneysa wasaaradda waxbarashada dowlad goboledka jubbaland sidokale waxa iskuulkan maalgalisey hay’adda Noraad.

Iskulkan oo dhismahiisa si qurux badan loo diyariyey ayaa waxa xarig jarkiisa kaso qeyb galay maamulka magalada dhoobley bulshada rayidka ah xubno ka socday wasaaradda waxbarashada iyo masuuliyiin kasocday hay’adda Adraa

Ugu horreyn waxaa meesha warbahiinta kula hadlay kuxigeenka madaxa mareynta mashruuca hay’adda Adra Abdi Afey Ali. sidokale waxa goobta xarig jarka hadallo kasoo jeediyay gudomiyaha deeganka dhoobley Siyaad Muxumed Xassan oo u mahdceliyeey wasaaradda waxbarashada jubbaland iyo hay’adda adra.

Ugu danbayntii waxa geestiisa meesha ka hadlay wasiirka waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare ee jubbaland mudane Abdinasir seeraar isagoo islmarkaana sheegay inuu ku faraxsan yahay horumarka dhanka waxbarashda ah ee uu deegaanka ku tallaabsanayo.

Naxwo Axmed Kadiye. ayaa ka warramaysa