Dhobley(Idaacadda Sanguuni). Waxaa goordhow la sameeyey isku aadka wareegga Siddeeda ee tartanka UEFA Champions League, iyadoo ay ka soo baxeen kulamo waa weyn oo aad u xiiso badan.
Naadiga ugu guulaha badan tartankan ee Real Madrid ayaa ku begantay kooxda difaacaneysa tartankan ee Chelsea, halka kooxda dhibta badan ee FC Bayern Munich ay ku aaday Villarreal.
Dhinaca kale isku aadka goordhow la sameeyay ayaa waxaa isku aaday kooxaha Manchester City vs Atlético de Madrid, halka Liverpool ay fooda dari doonto kooxda reer Portugal ee Benfica.
Isku aadka wareegga Siddeeda oo dhammaystiran halkaan hoose ka eeg:-
Chelsea vs Real Madrid.
Manchester City vs Atlético de Madrid.
Benfica vs Liverpool.
Villarreal vs Bayern Munich.
Siddee loo ciyaari doonaa Wareega Afar dhamaadka ee tartanka Champions League?
Manchester City vs Atlético de Madrid kooxda soo baxda ayaa ku dhici doonta tii soo baxdaa Chelsea vs Real Madrid.
Benfica vs Liverpool kooxda soo baxda ayaa ku dhici doonta tii soo baxdaa Villarreal vs Bayern Munich.
Goormee la ciyaari doonaa kulammada wareegga Siddeeda ee tartanka Champions League?:-
Kulammada lugta hore wareega siddeed dhamaadka waxaa la ciyaari doonaa, 5-ta iyo 6-da bisha April, halka lugta labaad la dheeli doono 12-ka iyo 13-ka isla bishaas.
Halka afar dhamaadka lugta hore la ciyaari doono 26-ka iyo 27-ka, lugta labaad ayaa iyagana la dheeli doonaa 3-da iyo 4-da bisha May.
Ciyaarta kama dambaysta ah ee finalka tartanka Champions League ayaa waxaa lagu qaban doonaa garoonka Stade de France, 28-ka bisha May.