Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Cabdi Saciid Muuse oo ku sugan dalka Zambia ayaa la kulmay Madaxweynaha dalkaas Hakainde Hichilema, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal.
Madaxweynaha Zambia ayaa sheegay in dowladiisa ay si weyn ula socoto doorashada ka socota Soomaaliya si loo xaqiijiyo in natiijada ka soo baxda ay noqoto mid guul ah.
Zambia ayuu sheegay in ay aad u qadarineyso xiriirka ay la leedahay Soomaaliya, waxa uuna ku baaqay in la kordhiyo wada shaqeynta iyadoo ujeedadu tahay in la abuuro ajande dhaqaale oo guuleysta oo ay ka faa’ideystaan shacabka labada dal.
Sida uu sheegay, welwelka amni ee gobolka darted ayuu ku baaqay in loo baahan yahay iskaashi dheeri ah oo dhexmara waddamada si loo xaqiijiyo in nabadda la helo, lana dammaanad qaado amniga.
Madaxweynaha Zambia ayaa sheegay in ay adkaan doonto in la wado qorshaha dhaqaale ee Afrika haddii aysan jirin nabad iyo xasillooni, isaga oo intaa ku daray in dagaaladu ay ku adkeynayaan dowladuhu in ay gaarsiiyaan waxa ay dadkooda ka filayaan.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxuu sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Dalka Zambia ay si weyn uga dhexmuuqdaan Ganacsatada.
Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa dhankiisa sheegay in madaxweynaha uu doonayo in uu booqdo Zambia kadib doorashadii ka dhacday dalkaas si loo sii xoojiyo xiriirka labada dal.
Waxa uu sheegay in joogitaanka Soomaalida ee ganacsatada Zambia ay muujineyso in dalka Koonfur Afrika uu leeyahay jawi ganacsi oo wanaagsan.