Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Wasiirka wasaarada xananada xoolaha dhirta iyo daaqa dowlad goboleedka jubbaland maxamed nuur cali oo ay wehelinayeen agaasimaha iyo qaar kamid ah hawl wadeenada wasaarada ayaa kormeer ku tagay deegaanada dhaca duleedka magaalada kismayo.Safarkaasi ayaa ujeedkiisa ahaa u kuur gelidaa hawlaha talaalka oo ay wasaaradu mudooyiinki dambe kawaday deegaanada jubbaland.
Talalkan oo lasiinaya nocyada kala duwan ee xoolaha kuwaas oo ay saameeyeen abaarihii ka dhacay dalka iyo xanuuno daran ayey wasaaradu iska kaashadeen hay’adda fao iyadoo mashruucan talaalka la qorsheeyay in lagu talaalo 2 milyan oo neef oo xoolo ah kuwaas oo ku dhaqan guud ahaan deegaanada jubbaland.Mashruucan talaalka ah ayaa heer gabogabo ah maraya iyadoo lagu fulinayo guud ahaan deegaanada jubbaland
Qaar kamid ah dadkii xoolahooda looga faaideeyay talalkani ayaa uga mahad celiyay wasaraada xanaanada xoolaha jubaland talalka ay soo gaarsiiyeen
Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Dowlad goboleedka Jubbaland Maxamed Nuur Cali oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in wasaarada talali doonto 2 miyan ee noocyada kala duwan ee xoolaha deegaanada jubbaland ayna kuguda jiraan sidii calafka xoolaha looga fai’deysan lahaa.
Cabdullahi Cabdicasiis Siraad. ayaa warbixintan ku eegaya