Heerka Shaqo la’aanta Gabdhaha Waxbartay ee Deegaanka Dhoobley oo sii kordhaysa.

0
405

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Heerka shaqo la’aanta dhallinyarada Somaaliyeed ee wax baratay ee ku sugan gudaha dalka ayaa sii kordhaysa, xilli tiro badan oo dhalliyaro ahna ay ka qalin-jabinayaan Jaamacadaha dalka, taasoo weliba ay sii dheer tahay kuwa wax soo bartay ee ka soo laabanaya debadda.

Shaqo la’aanta baahsan ee dhallinyaradu wajahayaan waxaa loo sababaynayaa ineyan helin tababarro xirfadeed oo ay ku shaqaystaan iyo inay yar tahay abuuritaan shaqooyin ay iskood uga shaqaystaan, intii ay sugi lahaayeen iney u shaqeeyaan dawlad ama dad gaar ah, waxayna ka bixi lahaayeen shaqo la`aanta, waana sida ay qabaan dadka u ololeeya shaqo abuurka.

Hadaba qaar kamid ah Gabdhaha waxbartay ee ku nool degaanka dhobley oo aan wareysi layeelanay ayaa ka warbixiyay sababaha keena inay goobaha shaqooyinka ku yaraadaan haweenka islamarkana gabdhaha shaqo la’anta ugu baaqay inay fikrado ay ku shaqestaan la yimadaan.

Fardowsa Axmed Cabdi. ayaa ka warramaysa