Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Suuqyada magalada dhoobley waxaa ka jiro qiimo korar dhanka noocyada kala duwan ee maciishadda Quutul duruuriga, waxaana heerkii ugu sareeyay gaaraya qiimaha Sonkorta, burka, Saliida iyo Bariiska.
Qiimo korarkaan ayaana saameyn ku yeeshay dadka ku nool deegenka gaar ahaan dadka maqayadaha ku leh degaanka iyo Qoysaska danyarta ah,xilli ay abaaro xooggan ka jiraan deegaanada Jubbaland.
Qaar kamid ah haweenka maqayadaha cuntoyinka kuleh degaanka oo aan waresi layelanay ayaa cabasho ka mujiyay Sare u kaca ku yimid maciishada .Sido kale Dadka danyarta ah ee ku nool deegaanka ayaa iyagana cabasho ka muujiyeey sare u kac rashiinka oo sameyn balaraan ku yeeshay nooloshooda .
Dhanka kale mid kamid ah ganacsatada deeganka dhoobley ayaan kawareysanay waxa sababey sare u kac ku yimd qiimaha raashinka.
Fardowsa Axmed Cabdi. ayaa warbixintan inooga diyaarisay