Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Deeganka gobweyn ee waqooyiga magaalada kismaayo ee xarunta gobolka jubbada hose ayaa barakacayaal badan marti galiyey mudadii lagu guda jirey abaarta galafatay xoolihii ay dhaqan jireen dadka ku nool deeganada jubbaland
Bulshada oo markii ay gacantoodi kabaxeen xoolihii ay dhaqan jireen isla markana noloshoda maalinlaha ku kabi jirey ayaa kusoo barakacay duleedka magalada kismaayo si ay naftooda samato bax ugu heelan.
Maamulka deeganka goobweyn oo ah meesha ugu badan ee ay soo dhuldageen barakacyaasha ayaa soo sodhoweyn balaran u sameyeey maatida soo qaxday iyagoona ged gaban iyo mid dheer u korey in barakacyaasha noloshooda si caadi ah lagu soo celiyo.
Cumar Abdullahi Mohamed Guddomiyaha deeganka goobweyn ayaa warbahiinta uga warramay xaalada ka dhalatay abaarta barakacyaashi soo dagay deeganka goobweyn wuxuuna dowlada jubbaland ka codsaday in ay dadalkooda sii labo jibaraan si loo samato bixiyo danyarta ay duruftu hayso.
Naxwo Axmed Kadiye. ayaa warbixintan ku eegeysa