Barakacayaasha kaamka Danwadaag ee Deegaanka Dhoobley oo codsaday in guryo loo dhiso.

0
228

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Dadka Barkacayaasha ah ee ku nool Kaamka danwadaag ee magalada dhoobley ee gobolka jubada hoose ayaa waxa ay ka cabanayaan  hoy la’aan biyo la’aan musqul la’aan iyo inaysan haysan  adeegyada aas aasiga u ah nolosha.

Dadkan kunool kaamka ayaa waxa ay ka soo barakeceen deeganadoodii oo ay ku habsatay abaarta kajirta dalka waxayna  danta maciin biday in ay barakacayaal ku noqdaan magaalada dhoobley walow ayna helin  gargaarkii ay u baahnaayeen

Qaar kamid ah haweenka ku nool kaamka danwadaag ee deegaanka dhoobley ayaa inooga warbixiyay xaladooda nolaleed iyagoo maamulka jubbaland iyo hay’adaha samafalka ka codsaday in hoy loodhiso maadaama ay yihiin dad danyar ah oo aan u adkaysan karin dhibicda roobka iyo qoraxda.

Khadar Axmed Salaan. ayaa ka warramaya