Chelsea oo si sahlan saddexda dhibcood kaga soo heshay Norwich City oo ay ku booqatay garoonka Carrow Road

0
223

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Chelsea ayaa saddexda dhibcood ka soo heshay kooxda Norwich City garoonka Carrow Road, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 1-3, ciyaar qeyb ka ahayd horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 0-2 ay ku hoggaamineysay kooxda martida ahayd ee Chelsea.

Daqiiqadii 3-aad Chelsea ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 0-1 ka dhigay daafacooda Chalobah, kaddib markii ay caawin kaga timid saaxiibkiis Mason Mount.

14 daqiiqo marka ay dheesha mareysay Mason Mount oo caawin ka helay saaxiibkiis K. Havertz ayaa wuxuu dheesha ka dhigay 0-2 ay ku hoggaamineysay kooxda Chelsea.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 69-aad kooxda Norwich City ayaa loo dhigay rigoore waxaana gool u badelay laacibkooda T. Pukki, ciyaarta ayaa waxay sidaas ku noqotay 1-2.

90 daqiiqo marka ay dheesha mareysay Chelsea ayaa sii dheereysatay hoggaaminta ciyaarta kaddib markii uu 1-3 ka dhigay K. Havertz oo ay caawin kaga timid saaxiibkiis N. Kante.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 1-3 ay kaga soo adkaatay Chelsea kooxda Norwich City oo ay ku booqatay garoonka Carrow Road, Blues ayaa ku jirta kaalinta saddexaad ee kala sareynta horyaalka Premier League waxayna leedahay 63 dhibcood.