Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Guddiga Hirgelinta Doorashayooyinka Galmudug ayaa hal Maalin dib u dhigay doorashada saddex kamid ah kuraasta Golaha Shacabka, doorashadaas oo qorshuhu ahaa in Maalinta berito ah ay ka dhacdo Magaalada Gaalkacyo.
Qoraàl kasoo baxay Guddiga doorashooyinka Galmudug ayaa waxaa lagu yiri” Guddigu wuxuu hal maalin dib u dhigay shaacinta Guddiga Xulista ergada kuraasta HOP#095, HOP#038 HOP#069, waxaana la shaacinayaa Maanta oo Jimcaha oo Taariikhdu tahay 11/03/2022.
Maalinta Berito oo Sabti ah ayaa waxaa Guddiga ay bilaabi doonaan Diiwaangelinta iyo Shahaado siinta Musharixiinta halka laga dhigay Qabashada Doorashada Maalinta Axadda oo Taariikhdu tahay 13/03/2022.
Saddexda Kursi ee doorashadooda Maalinta Axadda ah lagu qabanayo Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa kamid ah kursiga Hop#069, kaas oo ay ku tartami doonaan Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Cabduraxmaan Odawaa & Wasiir kuxigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Alcadaala