Kooxaha Real Madrid iyo Man City oo iska xaadiriyay wareega siddeeda ee tartanka UEFA Champions League

0
434

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Real Madrid ayaa iska xaadirisay wareega siddeeda ee tartanka UEFA Champions League, kaddib markii ay guul soo laabasho taariikhi ah kaga gaartay Paris Saint-Germain garoonka Santiago Bernabéu oo ay kaga adkaatay 3-1, kulankii lugta labaad wareega 16-ka.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 0-1 ay ku hoggaamineysay kooxda martida ahayd ee Paris Saint-Germain.

Daqiiqadii 39-aad kooxda Paris Saint-Germain ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 0-1 ka dhigay weeraryahankooda Kylian Mbappé kaddib markii uu caawin ka helay saaxiibkiis Neymar.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

61 daqiiqo Real Madrid ayaa dhalisay goolka barbardhaca waxaana 1-1 ka dhigay K. Benzema kaddib markii uu caawin ka helay saaxiibkiis V. Junior.

Daqiiqadii 76-aad K. Benzema ayaa hoggaanka u dhiibay kooxdiisa Real Madrid wuxuuna dheesha ka dhigay 2-1.

Laakiin 78 daqiiqo marka ay dheesha mareysay K. Benzema ayaa dhliyay goolkiisa saddexaad wuxuuna ciyaarta ka dhigay 3-1.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 3-1 ay kaga adkaatay Real Madrid kooxda Paris Saint-Germain oo marti ugu ahayd garoonka Santiago Bernabéu, Los Blancos ayaa u gudubtay wareega siddeeda ee tartanka Champions League.

Dhinaca kale kooxda Manchester City iska xaadirisay wareega dhammaadka tartanka UEFA Champions League, kaddib markii ay kulankii lugta hore ku soo xaaqday 0-5 kooxda Sporting CP oo ay booqatay, halka kulanka caawa uu ku soo idlaaday barbardhac 0-0 ah.