Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka Aduunka oo maanta Dunida looga dabal degayo.

0
424

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka waa wakhti lagu milicsado horumarka la sameeyay, loogu baaqo isbeddel iyo in loo dabaaldego ficillada geesinimada iyo go’aan qaadashada ee haweenka  kuwaasoo kaalin aan caadi ahayn kasoo qaatay taariikhda dalalkooda iyo bulshooyinkooda.Adduunku wuxuu ku talaabsaday horumar aan horay loo arag, laakiin ma jiro waddan gaarey sinnaanta ragga iyo dumarka.

Dhanka kale, xayiraadaha sharciga ayaa ka joojiyay 2.7 bilyan oo haween ah inay helaan isla xulashada shaqooyinka ragga. In ka yar boqolkiiba 25 boqolkiiba xildhibaannadu waxay ahaayeen haween, illaa 2019. Saddexdii dumar ahba mid ayaa la kulma rabshadaha ku saleysan jinsiga, weli.

Ugu horreyn waxaan waraysi layeelanay qaar kamid ah haweenka ku nool deegaanka dhoobley kuwaas oo aan ka waraysanay sida ay u arkaan maalintan loo asteesey haweenka ee iyaga u gaarka ah iyagoona inoo sheegay in ay ku faraxsanyihiin malintan soona dhawaynayaan.

Sidookale iyagana waxaan waraysanay qaar kamid haweenka ka howlgala xarumaha caafimaadka oo aan kawaraysanay kaalinta ay ka qaadan karaan haweenku xarumaha caafimaadka, waxbarashada, arimaha bulshada waxayna inoo sheegeen in kaalin mugleh ay qaataan haweenku shaqooyiinka ka socda xarumaha cafimaadka iyo kuwa waxbarashada.

Ugu danbayn waxaan iyadana dhinaceeda waraysanay gudoomiyaha ururka haweenka ee deegaanka dhoobley faadumo cabdi yuusuf  soo dhawaysay  xuska maalinta 8 maarso oo ah maalinta haweenka aduuka loo asteeyay ismarkaana haweenka deegaanka ugu baaqday in ay maalintan ay mudnaanteeda siiyaan.

Khadar Axmed Salaan. ayaa ka warramaya