Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Ciidamada booliska ee ismaamulka Kisumu ayaa xiray waddada garoonka yar ee Kondele ka dib markii uu dilaacay mid ka mid ah dhuumaha shidaalka.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in goobta uu ku daatay shidaal ay u badan tahay inuu ku sii faafo xaafadahaasi.
Koox iskudhaf ah oo uu hoggaaminayo ku xigeenka guddoomiyaha bartamaha Kisumu Xuseen Alaso oo ay ka mid yihiin saraakiisha shirkadda Kenya Pipeline ayaa sheegay inay dadweynaha u diidayaan inay halkaasi gudaha u galaan.
Tallaabada lagu xiray waddadaasi ayay ku micneeyeen mid looga hor tagayo musiibo maadaama ay horay dad ugu dhinteen iyagoo iskudayaya inay qayb ka helaan shidaal qubmay.
Xuseen Alaso ayaa hoosta ka xarriiqay in dhuunta shidaalka ay dilaacday saqdii dhexe ee xalay waxaana laga cabsi qabaa in shidaalka uu gaaro harada Lake Victoria.
Dadweynaha ayuu ku boorriyay inay u hoggaansamaan amarka saraakiisha ammaanka si aynan naftooda halis u gelin.