Halyeey kooxda Liverpool ah oo digniin culus u diray Mohamed Salah

0
413

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni). Halyeyga kooxda Liverpool ee John Barnes ayaa digniin culus u diray xiddiga reer Massar ee Mohamed Salah, wuxuuna carabka ku adkeeyay inuu mustaqbalkiisa ka sii wato kooxda.

Xiddiga reer Masar ayaa qandaraas kula jira Reds ilaa 2023, wuxuuna kooxda yimid sanadkii 2017, isaga oo kaga soo biiray naadiga reer Talyaani ee Roma, waxaana tan iyo imaatinkiisa uu gaaray guulo iyo rikooro badan.

Wargeyska Mirror ee dalka England ayaa wuxuu shaaca ka waaday wereysi uu bixiyay halyeyga kooxda Liverpool ee John Barnes, wuxuuna yiri;

“Salah waa mid ka mid ah ciyaartoyda ugu fiican ee u soo ciyaaray kooxda Liverpool.”

“Laakiin haddii uusan kooxda joogin sanadka soo socda, xaaladiisu waxay la mid noqon doontaa Fernando Torres iyo Luis Suarez.”

“Waa inaad Liverpool sii joogtaa waqti dheer si laguugu tixgeliyo halyeey, dabcan waa mid ka mid ah kuwa ugu waa weyn, laakiin taasi muhiim ma ahan, waxa muhiimka ah waa waxa uu sameeyo marka uu halkaas joogo.”

Mohamed Salah ayaa Liverpool la ciyaaray 235 kulan tartamada oo dhan isaga oo u dhaliyay 152 gool sidoo kale wuxuu saaxiibadiis ka caawiyay 57 gool kale, waxaana laba jeer loo caleemo saaray gool dhalinta horyaalka Premier League.

Salah wuxuu Liverpool la qaaday hal jeer oo horyaalka Premier League ah, koobka UEFA Champions League, tartanka Carabao Cup, UEFA Super Cup iyo koobka kooxaha adduunka ee Club World Cup.