Dhoobley(Idaacadda Sanguuni). Barcelona ayaa iska xaadirisay wareegga 16-ka tartanka UEFA Europa League kaddib markii ay kaga soo adkaatay kooxda Napoli oo ay booqatay 2-4, kulankii lugta labaad ee ciyaaraha is-reebreebka.
Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-3 ay ku hoggaamineysay kooxda Barcelona.
Daqiiqadii 80-aad kooxda Barcelona ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 0-1 ka dhigay Jordi Alba kaddib markii ay caawin kaga timid Adama Traoré.
13 daqiiqo marka ay dheesha mareysay Barcelona ayaa dhalisay goolkeeda labaad ee ciyaarta iyadoo uu 0-2 ka dhigay Frenkie de Jong.
Laakiin daqiiqadii 23-aad kooxda Napoli ayaa loo dhigay rigoore waxaana gool u badelay Lorenzo Insigne, ciyaarta ayaa waxay sidaas ku noqotay 1-2.
45 daqiiqo marka ay ciyaarta mareysay Gerard Piqué ayaa wuxuu ka dhigay 1-3 ay ku hoggaamineysay kooxda Barcelona.
Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.
59 daqiiqo marka ay ciyaarta mareysay kooxda Barcelona ayaa sii dheereysatay hoggaaminta ciyaarta kaddib markii uu 1-4 ka dhigay laacibkooda P. Aubameyang oo ay caawin kaga timid Adama Traoré.
Daqiiqadii 87-aad kooxda Napoli ayaa dhalisay gool iyadoo ciyaarta uu 2-4 ka dhigay xiddigooda Matteo Politano.
Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 2-4 oo ay kaga soo adkaatay Barcelona, kooxda Napoli oo ay booqatay, Barca ayaa iska xaadirisay wareegga 16-ka tartanka UEFA Europa League.