Madaxa isbitaalka hooyada iyo dhalaanka xaafada waabari ee Magaalada Dhoobley oo ka warbixiyay adeegyada ay bulshada u fidiyaan.

0
397

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Isbitaalka hooyada iyo dhalaanka waabari ee magaalada dhoobley ayaa ah Isbitaal ka haqab tira bulshada qeybaheeda kala duwan adeegyada caafimaad.

Xaruntan caafimaad ayaa ah mid muhiim u ah bulshada deegaanka dhoobley iyadoona ay si maalinla ah u yimadaan haweenka uurayda ah kuwa nuujiya iyo caruurta la ildaran nafaqa darrada.

Qaar kamid ah dadka sida joogtada ah uga fai’deysta adeega uu bixinayo Mch,ka waabari ee magaalada dhoobley aya kawarbixiyey waxa loo qabto iyo sida logu adeego.

Dhanka kale Dr Cabdihakiim Cabdi Digaale oo ah madaxa MCH.ka waberi ayaa isagana geestiisa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay adeegyada caafimaad ee ay bulshada u qabtaan.

Maxamed Cali Samow. ayaa warbixintan inooga diyaariyay