Dalka Sacuudiga oo Kumannaan haween ah codsaday shaqo ragga oo kaliya ay qaban jireen

0
249

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Shirkad tareennada ah oo qoronaysa 30 haween ah oo u tababaran inay kaxeeyaan tareennada Sucuudi Carabiya, ayaa waxa ay sheegtay in ay soo gaareen 28,000 oo araaji ah.Dadka ku soo baxa imtixaanka laga qaadi doono ayaa waxa ay kaxayn doonaan tareennada xawaaraha sare u socda ee u kala goosha magaalooyinka Makah iyo Madiina kaddib tababar socon doona muddo sanad ah.

Waa markii ugu horraysay oo shaqooyin noocan oo kale ah oo haweenka u gaar ah lagu soo dhajiyo Boqortooyada Muslimka ah ee muxaafidka ah Muddo tobannaan sanadood ah, Sucuudi Carabiya ayaa waxa ay ka mid aheyd dalalka ugu hooseeya caalamka ee aanay haweenku ka qeyb qaadan shaqooyinka.

Hasayeeshee sanadihii la soo dhaafay dowladda ayaa waxa ay samaysay dedaallo ay sare ugu qaadayso haweenka shaqeeya, taas oo qeyb ka ah qorshaha Amiirka dhaxalsugaha ah ee Maxamed bin Salmaan, kaas oo doonaya inuu ballaariyo dhaqaalaha dalkaasi ee haatan ku tiirsan shidaalka oo kaliya.

Sidoo kale Sucuudiga waxaa ka dhacay isbadello dhanka bulshada ah, oo ay ka mid tahay in la soo afjaray xayiraaddii haweenka ka saarneyd inay gawaari kaxeeyaan, iyo shuruucdii awoodda siin jirta waalidiinta ragga ah ee ah inay haweenka u ogolaadaan inay sida ay rabaan u safraan.

Isbadellada noocaas ah ayaa waxa ay horseedeen, in haweenku ay ka qeybqaata shaqooyinka ay laba laabmaan shanti sanadood ee la soo dhaafay oo ay gaaraan 33%, iyadoo lixdii bilood ee ugu horraysay sanadkii la soo dhaafayna haweenka shaqooyinka galaya ay ka bateen ragga.

Sikastaba xaalku ha ahaadee, ragga ayaa weli qabta inta badan shaqooyinka, gaar ahaan shaqooyinka dowladda, sida lagu sheegay daraasad sanadkii hore uu daabacay Mac-hadka Brookings ee uu fadhigiisu yahay waddanka Mareykanka.