Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Cudurka isfiilatada waa mid ka mid ah cudurrada galmada la isugu gudbiyo,waxaana keena bakteeriyada loo yaqaano Trepenema pallidum.Cudurkaan waxa la isugu gudbiyaa xariir galmood ka dhex dhaca laba qof oo midkood uu qabo nabar xubnaha taranka oo cudurka gudbi kara.
Sidoo kale hooyada qabta cudurkaan ayaa u gudbin kartaa cunuga caloosheeda ku jira iyo sido kale in qof qaba cudurkaan u shubo dhiig qof kale.Hadaba qaar kamid ah bulshada iska daawaysay cudurkan ayaa Radio Sanguuni uga warbixiyay saamaynta caaafimaad oo ay kala kulmeen cudurkani
Dhanka kale digtoor abdi Hassan oo kamid ah dhaqaatiirta deegaanka dhoobley ayaa ka warbixiyay halista cudurka isfiilatada iyo siyaabaha looga hortagi karo.
Maxamed Cali Samow. ayaa ka warramaya