Ra’iisul Wasaaraha Canada oo Adeegsaday Xeerka Xaaladaha Degdegga ah

0
447

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Ra’iisal wasaaraha Canada, Justin Trudeau, ayaa adeegsaday awood aan horay looga baran si uu u afjaro dibedbaxyada ka dhanka ah xayiraadaha uu keenay cudurka Covid-19.

Trudeau ayaa isagoo isticmaalaya xeerka xaaladaha deg-degg ah ee dalkaasi, ku dhawaaqay inay sharci darro tahay dibad baxyada looga soo horjeedo xayiraadaha Covid-19 oo toddobaadkii labaad ka socda dalkaasi.

Dibad-baxyada oo ay dhigayaan wadayaasha baabuurta xamuulka iyo shacab taageersan ayaa la sheegay inuu saameeyay dhaqaalaha dalka iyo isu socodka dadka.

Trudeau ayaa sheegay inuu ka fursan waayay tallaabada uu qaaday.

Awoodaha uu isticmaalay ra’iisal wasaaraha ayaa waxaa kamid ah kuwo u oggolaanaya booliska inay xiraan oo ay ganaaxaan shakhsiyaadka ay tuhmaan.

Dibadbaxyada ayaa bilowday kaddib uu soo baxay sharci cusub oo dhigaya in dhammaan gaadiidleyda ay tahay in la tallaalo si ay uga gudbaan xadka Mareykanka iyo Canada, ama ay karantiil galaan marka ay soo laabtaan.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in booliiska la siin doono agab ku filan si ay u xiraan ama u ganaaxaan dibadbaxayaasha iyo ilaalinta kaabayaasha muhiimka ah.

Dowladda ayaa horay u sheegtay in bangiyadu ay awood u yeelan doonaan in ay xayiraan xisaabaad qof kasta oo lala xiriiriyo mudaaharaadyada iyada oo aan loo baahnayn amar maxkamadeed, caymiska baabuurka qof kasta oo ku lug leh mudaaharaadka ayaa sidoo kale la hakin doona.