Kullumaysatada Deegaanka Goobwayn oo codsaday in laga caawiyo dhanka agabka kaluumaysiga

0
529

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Dadka kallumaysatada ah ee ku nool deegaanka Goobwayn ee waqooyiga Magaalada Kismaayo ayaa  inta badan ka kaluumaysta halka ay isga darsamaan bada iyo bawiga Jubba halkaas oo ay sheegen in ay ka soo jilaabtaan kalluunka ugu badan ee ay soo saraan.

Kallumaysata deegaanka goobwayn ayaa sheegay in isku daraha bada iyo wabiga ay ka jiraan hirar iyo dabaaylo  kacsan ku waas oo aan u saamaxayn in ay bada gudaha u galaan si ay uga soo kaluumaystaan maadaama aysan haysan qalab ku filan oo ay uga gudbi karaan hirarka iyo mawjadaha kacasan ee ka jira isku daraha bada iyo wabiga.

Qaar kamid ah kaluumeysatadaasi oo warbaahinta la hadlay ayaa hay’adaha samafalka iyo dowlad goboleedka jubbaland ka codsaday agabka kaluumeysiga.

Cabdullahi Cabdicasiis Siraad. ayaa warbixintan ku eegaya