Horudhac: Manchester United vs Brighton & Hove Albion… ()

0
284

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa wali raadineysa inay kusoo laabato waddada guulaha marka ay caawa garoonkeeda kusoo dhoweyso naadiga Brighton & Hove Albion kulan ciyaareed ka tirsan horyaalka Premier League.

Man United ayaa haatan fadhisa kaalinta shanaad ee kala sarreynta horyaalka Ingiriiska iyadoo leh 40 dhibcood waxayna ciyaartay 24 kulan, halka Brighton oo ciyaartay 23 kulan ay ku jirto kaalinta sagaalaad iyadoo leh 33 dhibcood.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: England – Premier League

Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 11:15 Habeennimo xilliga Geeska Afrika.

Garoonka: Old Trafford

Garsooraha: Peter Bankes (England)

Wararka Kooxaha:

Ma jiraan dhaawacyo ama ganaaxyo cusub oo laga soo tebinayo naadiga Manchester United balse waxaa weli shaki la gelinayaa taam ahaanshaha Nemanja Matic halka Fred uu soo laabtay kaddib markii uu kasoo kabsaday xanuunka Koofid-19.

Geesta kale, Brighton ayaa heysata isla safkii ay kaga guuleysatay naadiga Watford horraantii asbuucan, Enock Mwepu iyo Jeremy Sarmiento ayaana ah kaliya labada xiddig ee ka maqan kooxdeeda.

Xaqiiqooyinka Ciyaarta:-

Brighton ayaanan waligeed kasoo adkaan Manchester United oo ay 13 jeer booqatay tartammada oo dhan, labo barbarro ayay la gashay halka 11-ka kale dhegta dhiigga loo daray.

Manchester United ayaa guul ka gaartay Brighton shantii is arag ee ugu dambeysay Premier League kaddib labo guuldarro oo kasoo gaartay saddexdii is arag ee ugu horreeyay.

Kooxda lagu naaneyso Red Devils ayaa labo kulan oo xiriir ah ku fashilantay inay guuleysato iyadoo hoggaanka ciyaarta heysay xilligii nasiinnada markii ugu horreysay tan iyo bishii December ee sanadkii 1998.

Cristiano Ronaldo ayaa lix kulan oo heer naadi ah ku sugan gool la’aan tartammada oo dhan markii ugu horreysay tan iyo abaartii toddobada kulan ee intii u dhexeysay December 2008 illaa January 2009 markaas uu ku jiray xilligiisii hore ee Man United.

Shaxda macquulka ah ee labada koox:-

Manchester United:

Southampton: