Chelsea oo markii ugu horeysay taariikhda ku guuleysatay koobka FIFA Club World Cup kaddib markii ay ka adkaatay Palmeiras… +SAWIRRO

0
234

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Chelsea oo ku guuleysatay koobka FIFA Club World Cup kaddib markii ay kaga adkaatay kooxda Palmeiras 2-1, ciyaar ka dhacday garoonka Mohammad Bin Zayed.

Qeybta hore ee ciyaarta ayeey labada kooxood Chelsea iyo Palmeiras ku kala nasteen barbardhac 0-0 ah.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 55-aad kooxda Chelsea ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay R. Lukaku kaddib markii ay caawin kaga timid saaxiibkiis Hudson-Odoi.

64 daqiiqo marka ay dheesha mareysay kooxda Palmeiras ayaa dhalisay goolka barbardhaca kaddib markii rigoore loo dhigay uu gool u badelay laacibkooda Raphael Veiga.

90-ka daqiiqo ee ciyaarta loogu talagalay ayaa waxa ku dhammaatay barbardhac 1-1 ah, waxaana lagu daray 30 daqiiqo dheeri ah.

Daqiiqadii 117-aad kooxda Chelsea ayaa loo dhigay rigoore waxaana gool u badelay xiddigooda K. Havertz ciyaarta ayaa waxay sidaas ku noqotay 2-1.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 2-1 ay kaga adkaatay Chelsea, kooxda Palmeiras, kaddib ciyaar aad u xiiso badan oo ka dhacday garoonka Mohammad Bin Zayed, Blues ayaa sidaas loogu caleemo saaray markii ugu horeysay taariikhda koobka FIFA Club World Cup.

SAWIRRO:

Image

Image