Madaxweynaha Galmudug oo soo saaray liiska Musharixiinta ee kursigii ugu danbeeyay Aqalka sare

0
284

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa soo saaray liiska magacyada xubnaha ku tartami doono kursigii ugu dambeeyay ee aqalka sare baarlamanka Soomaaliya kaasoo 15-kii bishii November ee sannadkii 2021-kii uu iska casilay xildhibaan Yuusuf Geelle Ugaas (Dhagey) oo markii dambe loo doortay xildhibaan ka tirsan golaha shacabka.

Kursigan ayaa waxaa ku tartami doona Farxaan Cali Maxamuud iyo Naciimo Yuusuf Maxamed.

Baarlamanka Galmudug ayaa dhawaan lagu wadaa in labadan xubnood mid ka mid ah u doortan inuu ka mid noqdo xidhibannada aqalka sare.