Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Qaar kamid ah Kalluumeysatada ka jillaabta Xeebta degmada Xaafuun ee Gobolka Bari ee Maamulka Puntland ayaa waxaa ay sheegeen inay dhibaato ku hayaan Doonyo si sharci dareo ah u kalluumeysanaya, kuwaas wax ku buufinaya badda si kalluun badan uga soo baxo.
Waxaa ay sheegeen in Doonyahaas ay saaran yihiin rag wata Qalabka lagu buufinayo Badda, isla markaana soo saaraya kalluun farabadan oo suuxsan, iyaga oo intaasi kadib raranaya.
Kalluumeysatada degmada Xaafuun ee Gobolka Bari ayaa waxaa ay ugu baaqeen Madaxda Puntland inay waxka qabtaan Doonyaha Kalluumeysi ee sharci darrada ah oo culeyska ku haaya, kuwaas oo muddo dheer ay gudbinayeen cabashadooda.
Meelo badan oo kamid ah Xeebaha dalka Soomaalia ayaa waxaa badi lagu arkaa Maraakiib iyo Doonyo Shisheeye, kuwaas oo si sharci darro ah u kalluumeysanaya, isla markaana aysan jirin cid wax ka qabaneeysa.