Masuuliyiin uu hogaaminayey Wasiirka Gargaarka Jubbaland oo kormeer ku tagay kaamamka ay daganyihiin qoysaskii kasoo barakacay abaarta.

0
532

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Wasiirka Wasaradda Gargaarka Iyo Mareynta Musiibooyinka Dowlad Goboleedka Jubbalaand oo ay wehelinayaan Guddoomiyaasha labada Gobol ee Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhaxe ayaa boqday 5kun oo qoys oo ku xola beelabay Abaarta ku dhufatay Deeganada Jubbaland.

Cabdiraxman Xaaji Cabdi Wasiirka Wasaradda Gargaarka iyo Mareynta musiibooyinka Jubbaland Cabdirashiid Cabdullahi Cali Gooni Guddomiyaha Gobolka jubbada Hoose iyo Haajir Bille Sugaal Guddomiyaha Gobolka jubbada Dhaxe ayaa kormeyray Guryo ka sameysan Teendhooyin kuwaas oo logu talagalay qoysaska ay abaartu saameysay ee Dagan nawaaxiga dalcada luglow ee Gobolka jubbada Hoose.

Duruufo nololeed oo aad u liidata ayaa heysata qoysaskan kuwaas oo aan heysanin waxyabaha nolosha aas aasiga u ah sida Biyo Raashin iyo dhammaan waxaayabaha laga maarmanka u ah nolosha adamaha.

Masuuliyiinta ayaa si qoto dheer uga dhageystay cabashada iyo duruufaha haysta qoysaskan waxayna soo jeediyeen in wax kaalmo Bini’adanimo ah ayna soo gaadhin intii ay socdeen Gurmadka.

Cabdirashiid Cabdullahi Cali Gooni Guddomiyaha Gobolka jubbada Hoose iyo Haajir Bille Sugaal Guddomiyaha Gobolka jubbada Dhaxe ayaa Ha’yaddaha samafalka ee ka howlgala Jubbalaand ugu baaqay in gurmad Dag Dag ah lala soo gaadho dadkan ku dhibaateysan Nawaaxiga Dalcada luglow.

Wasiirka Wasaradda Gargaarka iyo Mareynta musiibooyinka Jubbaland Cabdiraxman Xaaji Cabdi ayaa shegay in ay xaalad Bini’adanimo oo aad u liitada ay heysato Qoysaskan isagona cadeeyay in gurmadka intiisa badan loo soo wecin doono qoysaskan ay duruufaha xogan ay heystaan.

Wayadii u danbeeyay waxaa isoo sotarayay cabashooyinka ay soo jeedinayaan qoysaska ku barakacay gudaha Dalka kuwaas oo ay saameyn xoggan ay u geystay abaarta ku dhufatay Dalka iyadona dhan kale ay wali socdaan gurmadka loo fidinayo dadka ay abaaruhu saameeyeen.

Xasan Maxamed Cabdullahi. ayaa warbixintan ku eegaya