Wasiirka Haweenka Soomaaliya oo furtay kulan looga hadlayay baahiyaha dadka naafadaha

0
229

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasiirka wasaaradda haweenka iyo horumarinta xuquuqda Aadanaha ee Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya Xildhibaan marwo Xaniifa Maxamed Ibraahim, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furtay shir ay leeyihiin naafada Soomaaliyeed oo looga hadlayo baahiyaha ay qabaan dadka naafada ah si loogu soo bandhigo shirweynaha naafada adduunka oo bisha soo socota ka dhici doona dalka Norway.

Kulankaan oo socon doona muddo labo maalin ah ayaa waxaa ka qeygalaya mas’uuliyiinta hey’adda naafada Qaranka iyo Ururada u dooda arrimaha Naafada.

Shir weynaha naafada Caalamka oo markii ugu horreysay la qabtay 2018-kii ayaa hadda waxaa martigelisay dowladda Norway, si shirkaas Soomaaliya ula tagto agendiyaal muhiim ah ayaa Wasaaradda haweenka u qabatay shir qeybaha naafada Soomaaliyeed.