Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Deegaanka Dalsan ayaa kamid ah deegaanada Hoos yimaada Magaalada Kismayo ee xarunta kumeel gaarka ee Dowlad goboleedka Jubbaland, Deegaanka ayaa laga soo sheegayaa biyo yari baahsan oo saameysay dadka iyo duunyada ku nool deegaanka.
Dadka ku nool deegaanka dalsan ayaa ku tiirsan waro biyo lagu keydiyo marka ay roobab ka da`aan deegaanka, warihii ay ku tiirsanaayeen ayaa dhamaan biyihii ka gureen marka laga reebo hal war oo kali ah oo halkaasi dadka deegaanka iyo xooluhuba ay isticmalaan.
Deegaanka dalsan waxa ku yaala ilaa toban war biyood waxaana si iskood u hir galiyay dadka dagan deegaanka balse hada bulshada dagan deegaanka dalsan ayaa ka cabanaya biyo yari ka jirta deegaankaasi.
Inta badan deegaanada hoos yimaada degmada kismayo ayaa si wayn looga dareemay abaarta baahsan eek a jirta dalka gaar ahaan deegaanada dowlad goboleedka jubaland waxaana yaraaday biyihii ay dadku heli jireen madaama halkaasi ay waayadii danbe roobab ka di,in waxayna saamayn ku noqotay dadka iyo duunyada halkaasi ku nool iyadoona baaqyo kala duwan ay dirayaan dadka halkaasi ku nool si ay u helaan waxa ay nolosha ku maareen lahaayeen.
Maxamed Cali Samow. ayaa warbixintan ku eegaya