Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Masuuliyiin ay hor kaceysay wasiirka Wasaarada haweenka xuquuqul insaanka iyo arimaha qoyska dowlad goboleedka jubaland cadar ismaaciil joraati ayaa gaaray deegaanka istaabuul ee duleedka magaalada kismayo si ay u soo ogaadaan xaalada deegaanka iyagoona gaarsiisay deeq raashiin ah oo ay soo aruuriyeen muxsiniin soomaaliyeed.
Wasiirka ayuu socdaalkeedu daarnaa u kuur galidda xaalada guud ee deegaanka istaabuul iyadoona inta ay kormeerka ku jirtay guryahooda ku booqatay qaar kamid ah Barakacyaasha ku sugnaa deegaanka istaabuul iyadoona u sheegtay in ay dowlad jubaland ka warqabto xaalada ay ku sugan yihiin ayna ka go,antahay in ay garab istaagto si looga samata bixiyo duruufaha haysto ee abaaruhu sababeen.
Ugu horeen gudoomiyaha ururka haweenka gobolka jubada hoose fadumo aden kateela oo goobta ay barakacayaasha deeqda uga qeybinayeen hadal ka jeedisay ayaa qirtay in maatadaan dhibaateesan dhibaatada la qeebsan doonaan.
Xilibaan faadumo faarax aden oo kamid ah gudiga xuquuqul insaanka baarlamaanka jubaland ayaa ugu baaqday dowlada fadaralka somaaliya dowlad goboleedka jubaland iyo hay’adaha samafalka inay gacan ka geestaan sidii loo samata bixin lahaa barakacayaashan ay xoolohoodii abaarta ka laysay.
Wasiirka Wasaarada haweenka xuquuqul insaanka iyo arimaha qoyska dowlad goboleedka jubaland cadar ismaciil joraati oo ka warbixisay waxyaabihii ay la kulantay intii ay gormeeresay dayartii kusoo barakacday deegaanka istaabuul ayaa eeba Wayne ugu bariday in faraj kheer qabo u furo waxayna u balan qaaday in ka wasiir ahaan ku garab istaagi doonto inay xuquuq helaan barakacayaasha ku nool deegaanka istaabuul.
Maxamed Cali Samow. ayaa warbixintan ku eegaya