Ganacsatada magaalada dhoobley oo ku baaqay in laga wada shaqeeyo nadaafada.

0
285

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Nadaafada oo lagu dadaalo ayaa horseedi karta dhowrista iyo bilic soo celinta deegaanka kasta sidoo kalana bulshada ay ku nooladaan caafimaad qab.

Qaar kamid ah ganacsatada magaalada dhobley ee gobolka jubada hoose ayaa sheegay in haatan wadooyinka qaar ee xaafadaha magaalada dhoobley ay ka jirto nadaafad darro iyagoona xusay in dadka qaar ay wadooyinka ku soo shubaan qashinka meel aan munaasab ahayn.

Ganacsatada deegaanka ayaa ugu baaqay qeybaha kala duwan ee bulshada nn si wadajir ah looga shaqeeyo nadaafadda Lana soo celiyo bilicda magaalada

Maxamed Cali Samow ayaa ka warramaya