Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Maamulka Magaalada Dhoobley ayaa bilaabay dib u dayactir lagu samaynayo Wadada weyn ee dhexmarta bartamaha Magaalada Dhoobley,
Gudoomiyaha magaalada dhoobley ahna duqa magaalada siyaad Mohamed Hassan ayaa ka warbixiyay mashruucan dib u dayactirka looga samaynaayo wadada halbowlaha u ah magaalada dhobley.
Dhanka kale bulshada ku nool magaalada dhoobley ayaa soo dhaweeyay dayactirkan lagu bilaabay wadada oo markii hore dhib lagu qabay maristdeeda sido kalana ay fadhiisteen Biyihii Roobka taasi sameyn ku yeelatay Gadiidleyda adegsatada Wadada iyo sido kale dadka ku ganacsada hareeraha wadada.
Si kastaba ha ahaate dayactirka Wadadan ayaa ku soo aday xili ay dhawaan cabasho ka mujiyeen Bulshada ku nool Dhoobley marista wadadan oo ay sheegeen in ay kala kulmaan caqabado badan xiliyada Roobka.
Maxamed Cali Samow. ayaa warbixintan inooga diyaariyay